Ciidanka amniga oo soo qabtay rag dil iyo dhac geystay

Ciidanka amniga oo soo qabtay rag dil iyo dhac geystay

SHARE

Howlgal ciidanka amniga Soomaaliya ka sameeyeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo qabtay tiro kamid ah maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab iyo kooxo burcad ah oo dadka dhaca xilliga habeenkii ah.

Taliye ku xigeenka booliiska, Janaral Zakiya Xuseen, oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in ciidanka ay soo qabteen maleeshiyaad dil ka geystay degmada Wadajir iyo Warta Nabadda.

Sido kale, ciidanka ayaa waxaa ay soo qabteen kooxo burcad ah oo dhac ka geystay degmada Hodan ka dib markii dadka deegaanka la soo xiriireen ciidanka booliiska.

Taliye Zakiya, ayaa xustay in ciidanka amniga degmada Warta Nabadda ku qabteen rag hubeysan oo watay Mooto Bajaaj, kuwaas oo isku dayay in ay baxsadaan balse ciidanka ammaanka ay ku guuleysteen soo qabashadooda.

Ciidanka amniga ee dowlada Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay labo jiraabreen howlgalada amniga lagu sugayo ah ee caasimada ka socda.

LEAVE A REPLY