Ra’iisul wasaaraha oo xalay kormeerey isgoysyada ciidanka amniga kaga sugan yihiin caasimadda

Ra’iisul wasaaraha oo xalay kormeerey isgoysyada ciidanka amniga kaga sugan yihiin caasimadda

SHARE

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kormeer kedis ah ku tagay inta badan goobaha ciidanka booliiska ka sugaan amniga caasimadda, si uu u ogaado xaaladda ciidanka iyo howlahooda.

Isgoysyada uu xalay ra’iisul wasaaraha tagay ayaa waxaa kamid ah; Afarta Jardiino, Sanco, Tartabuunka, iyo waddooyinka waddada 30ka, Wadnaha, Warshadaha, isagoo sidoo kale tagay suuqa weyn ee Bakaraha iyo goobo kale.

Kormeerka Ra’isul wasaaraha oo xalay saqdii dhexe ahaa ayaysan jirin wax mas’uuliyiinta dhanka amniga ah oo ku wehliyay.

Kormeerkaas ka dib Ra’iisul wasaaraha waxaa uu isugu yeerey dhammaan taliyeyaashii amniga, kuwa gobolka Banaadir iyo wasaaradda amniga, waxaa uu u sheegay wixii uu ku soo warkay korkeerka uu sameeyay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniiga, C/naasir Saciid Muuse, oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu faray mas’uuliyiinta amniga u xil saaray in ay ka war qabaan askarta ku jirta heeganka si amniga loo adkeeyo.

 

 

LEAVE A REPLY