Xubno warbaahinta Alshabaab ka tirsan oo Muqdisho lagu qabtay

Xubno warbaahinta Alshabaab ka tirsan oo Muqdisho lagu qabtay

SHARE

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo xalay kormeer ugu kuurgalayay amniga caasimadda ka sameeyay degmooyinka ayaa sheegay in baaritaan dhanka ammaanka ah oo ciidanka sameeyeen lagu soo qabtay xubno ka tirsan warbaahinta Alshabaab oo ku dhuumaaleysanayay magaalada Muqdisho.

“Caawa mar aan booqanay xarunta 991 ee Booliiska waxaan ku faraxsanahay warbixino ay shacabka soo gudbiyeen oo lagu howlgalay in lagu soo qabtay nabad-diid farabadan oo shacabka waxyeelo u geysan lahaa”.

“Labo dhagarqabe oo masaajid Kaxda jiifanayey oo Idaacada Andaluus u shaqeynayey laga soo qabtay halkaas”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow oo qoraalkaasi soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook.

Ciidamada amaanka dowladda ayaa baaritaano ka wada xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, waxaana baaritaanadaasi lagu qabtay xubno ka tirsan Al Shabaab, sida masuuliyiinta amaanka ay sheegee

LEAVE A REPLY