Alshabaab oo jab kala kulmay isku day weerar oo ay ku soo...

Alshabaab oo jab kala kulmay isku day weerar oo ay ku soo qaadeen deegaanka Qooqaani

SHARE

Wararka ka imaanaya deegaanka ku yaala xuduuda Soomaaliya iyo Kenya Daris Qooqaani ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaadka Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanka, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Guddoomiyaha deegaanka, Muuse Macalin Aadan, ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan amniga deegaanka balse ay iska caabiyeen isla markaana khasaare u geysteen.

Waxaa uu intaa ku daray in ay ka war heleen in maleeshiyaadka ku soo wajahan yihiin deegaanka isla markaana ay u yimaadeen ayagoo u diyaar garoobay.

 

 

 

LEAVE A REPLY