Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay howlgalada ka dhan ka ah Alshabaab

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay howlgalada ka dhan ka ah Alshabaab

SHARE

Isagoo ku sugan deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubada hoose isla markaana la hadlyay saraakiisha ciidanka Jubaland iyo kuwa xoogga dalka ayuu madaxweyne Axmed Madoobe xusey in loo baahan yahay qaadista howlgalo ka dhan ah Alshabaab si looga saaro goobaha ay ku sugan yihiin.

Madaxweynaha Jubaland ayaa amaanay ciidanka ku sugan jiida hore ee dagaalka kuwaas oo dhabar adeey xoogan muujiyay, waxaana uu sheegay in howlgalada dib u xoreynta ah la dardargelin doono.

Ciidanka xooga dalka qeybta 43 ee ka howlgasha Jubooyinka ayaa Alshabaab kula dagaalamaysa goobahaas, deegaanka Baar Sanguuni waxaa uu kamid yahay goobaha maleeshiyaadkaas laga saaray.

Sidoo kale, deegaanada Jubooyinka waxaa Alshabaab lagula eegtaan duqeymo iyo weeraro toos ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan ciidanka Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.

LEAVE A REPLY