Weerar lagu qaaday saldhig Daacish ay ku laheyd Buuraha Golis

Weerar lagu qaaday saldhig Daacish ay ku laheyd Buuraha Golis

SHARE

Qoraal ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in weerar dhanka cirka ah ay la beegsadeen kooxda argagaxisada ee Daacish ee ku dhuumaaleysanaya Buuraha Golis ee deegaanada Puntland.

Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay tiro kamid ah maleeshiyaadka Daacish, waxaana uu noqoneyaa weerarkii shanaad oo kooxdaas lala eegtay tan iyo bishii Abriil.

“U jeedkeenu waa in aan meesha ka saarno dhaq dhaqaaqa horjoogiyaasha kooxda Daacish, isla markaana laga hor istaago in ay sii wadaan falalka guracan ee ay ku howlan yihiin” ayuu yiri┬áHeidi K. Berg ah agaasinaha mukhaarabaadka.

War saxaafadeedkana ayaa sidoo kale lagu xusay in dowladda federaalka oo kaashanaya saaxiibadooda ay ka go’an tahay sii wadista howlgalada ka dhan ah kooxaha argagaxisada.

Lama sheegin wax khasaare ah oo weerarkan ka soo gaaray shacabka ku nool deegaanada la duqeeyay.

 

LEAVE A REPLY