Dhagar qabe qarax ku xirnaa oo maanta lagu qabtay Guriceel +Sawirro

Dhagar qabe qarax ku xirnaa oo maanta lagu qabtay Guriceel +Sawirro

SHARE

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka maamulkaas ay qabteen Nin doonayay in uu is qarxiyo.

Ciidamada Galmudug ayaa munaasibad lagu xusayay Askarta Ahlu Sunna uga dhimatay dagaalka Al-shabaab ku qabanayay magaalada xilliga Ninkaas la qabanayay.

Waxaa kulanka ku sugnaa Madaxda ugu sarreysa Ahlu Sunna;  sida Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, guddoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna, Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo C/Risaaq Maxamed Mire (Ashcari).

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay baaritaanka, waxaana ninkan oo soo galay hoolkii ay fadhiyeen Madaxda uu isku dayay inuu isku qarxiyo, balse ay u qarxi weyday, waxaana isagoo jaakadii qaraxa u xirneyd la xarbinayay ka hortagay Ilaalada Ahlusuna oo isku duubay, garba duubna u xiray.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusuna ay ninkan ka fureen jaakadii qaraxa uu xirnaa, isagoo laga saaray goobtii uu doonayay inuu isku qarxiyo.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Ahlusuna oo ninkan ku hareereysan, isla markaana gacmaha iyo lugaha ka hayay.

Ahlusuna ayaa sanad walba 17-ka Ramadaan waxay qabtaan Munaasabad ay ugu magac dareen Maalinta Shuhadada oo ay ku xusaan dagaalyahanadii uga geeriyootay dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab 10 sano ka hor.

LEAVE A REPLY