Booliiska oo sheegay in ay qabteen rag xalay bombaanooyin ku tuurey xaafado...

Booliiska oo sheegay in ay qabteen rag xalay bombaanooyin ku tuurey xaafado ka tirsan Muqdisho

SHARE

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Janaraal Zakiya Xuseen, ayaa sheegtay in ciidanka ay gacanta ku dhigeen dhagar qabe xalay bom gacmeed ku tuurey waaxda Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qoraal ay soo dhigtay Twitter ayay taliyaha ku sheegtay in sidoo kale ciidanka ay qabteen nin bom ku tuurey suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag ee islka gobolka Banaadir.

Taliye Zakiya ayaa xustay in bombaanooyinkaas aysan wax khasaare ah geysan.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa isku daya in ay carqaladeeyaan xasiloonida caasimadda, balse ciidanka amniga ayaa si weyn u adkeeyay amniga Muqdisho.

LEAVE A REPLY