Alshabaab oo dhalinyaro badan ka afduubay deegaano ka tirsan Galmudug

Alshabaab oo dhalinyaro badan ka afduubay deegaano ka tirsan Galmudug

SHARE

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Alshabaab ay afduubeen dhalinyaro gaaraysa 100, kuwaas oo ay ka soo qafaasheen deegaano ay kamid yihiin Ceel Qooxle, Xiindheere iyo kuwo kale.

U jeedada afduubka dhalinyarada ayaa lagu micneeyay in maleeshiyaad Alshabaab ay ku guul dareysteen in ay dhalinyarada ku qanciyaan afkaartooda guracan isla markaana ay xoog u adeegsadeen si ay u helaan dhalinyaro ay ku shubaan dabka ay hurinayaan.

Dhalinyaradan ay soo qafaasheen ayaa ugu dambeyn la isugu geyay degmada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud, horjoogiyaasha Alshabaab ayaa waalidiinta dul dhigay amar ah in aysan diidi karin carruurtooda ay kaxeystaan isla markaana waalidkii amarkaas jebiya la ciqaabi doono.

Deegaano ku yaala Koofurta gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay dagaalo ku dhex marayeen dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Alshabaab.

 

LEAVE A REPLY