Horjooge ka tirsanaa Alshabaab oo ciidanka dowladda isku soo dhiibay

Horjooge ka tirsanaa Alshabaab oo ciidanka dowladda isku soo dhiibay

SHARE

Sharmarke Cabdinaasir oo kamid ahaa horjoogiyaasha kooxda Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka amniga ee Soomaaliya oo ka howlgala deegaanada Jubooyinka, sida ay sheegeen saraakiisha wasaaradda amniga ee Jubaland.

Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdinuur oo war fidiyeenka kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in Sharmarke uu go’aansaday in uu ka baxo kamid ahaanshaha Alshabaab ka dib sano oo kooxdaas ka tirsanaa.

Waxaa uu intaa ku daray in isa soo dhiibista Sharmarke, ay imaanayso saacado ka dib markii horjooge kale isu soo dhiibaay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubaland.

Cabdinuur ayaa sidoo kale, xusay in horjoogiyaal kale oo kamid ah Alshabaab ay la soo hadleen isla markaana qorsheynayaan in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda.

Afhayeenka ayaa Alshabaab ugu baaqay in ay ka towban keenaan falalka ku garacan oo ay ku jiraan isla markaana dowladnimada ku soo biiraan.

Horjoogaha isa soo dhiibay ayaa dhankiisa hadlay waxaana uu codsaday in la cafiyo isla markaana diyaar u yahay in uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY