Mdaxweynaha Koofur Galbeed oo saraakiisha amniga farey in ay ka feejignaadaan dhagarta...

Mdaxweynaha Koofur Galbeed oo saraakiisha amniga farey in ay ka feejignaadaan dhagarta Alshabaab

SHARE

Madaxweynaha dowladda goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya mudane C/casiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in ciidanka amniga looga baahan yahay in ay ka foojignaadaan dhagarta kooxda argagaxisada oo xilliga Ramadaanka kordhiya weerarada ay ka beegsanayaan saldhigyada ciidanka.

Laftagareen ayaa xusay in Alshabaab ay u taagan yihiin dhibaatada umadda Soomaaliyeed sidaa awgeedna laamaha amniga uu waajib ka saaran yahay ka hortaga falalka amniga daro ee kooxdaas ku howlan tahay.

Hadalkan madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa yimid markii shalay qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen ciidanka maamulkaas oo marayay meel u dhow degmada Bardaale ee gobolka Baay.

 

LEAVE A REPLY