Kulan amniga dalka looga hadlayay oo Muqdisho ka dhacay

Kulan amniga dalka looga hadlayay oo Muqdisho ka dhacay

SHARE

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta howlgalada ka dhan ka ah kooxda Alshabaab, shirkaas oo u dhexeeyay AMISOM iyo Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed oo shirkaas ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka lagu lafu gurey sidii loo xoojin lahaa howlgalada dib u xoreynta ah.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ciidnaka xoogga dalka dhowaan Alshabaab ka qabsadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose isla markaana la sii wadi doono howlgaladaas.

 

LEAVE A REPLY