Dhagar qabihii ka dambeeyay qaraxii caawa oo gacanta lagu dhigay

Dhagar qabihii ka dambeeyay qaraxii caawa oo gacanta lagu dhigay

SHARE

Ciidanka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa gacanta ku dhigay dad lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxii caawa ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Taliye ku xigeenka booliiska Soomaaliya janaraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter waxaa ay ku sheegtay in gacanta lagu hayo dhagar qabihii ka dambeeyay gaarigaas qarxay.

Qaraxa caawa ka dhacay ayaa ka dhashay gaari la dhigay meel aan ka fogeyn Hotel Muna ee degmada Xamar weyne, lamana soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxaas oo loo adeegsaday gaari NOAH ah, sida ay mar kale xustay taliye Zakiya.

Argagaxisad Alshabaab ayaa isku dayaya in ay carqaladeeyaan Muslimiinta Saa’imiinta ah ee Soomaaliyeed, balse ciidanka amniga ayaa howlgalo amniga lagu adkeynayo ka wada gudaha caasimadda iyo gobolada dalka.

 

LEAVE A REPLY