Mareykanka oo faahfaahiyay duqeymaha ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah

Mareykanka oo faahfaahiyay duqeymaha ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah

SHARE

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyn lagu bartilmaameydsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish, kuwaasi oo buuraha ku dhuumaaleysanayay.

Duqeynta ayaa lala eegtay saldhigyo xubno Daacish ka tirsan ay ku sugnaayeen oo ku yaala Buuraha Golis ee Puntland, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan, duqeyntaasi oo dhacday Labo maalin ka hor.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, islamarkaana lagu wiiqayo awooda kooxaha Al Shabaab iyo Daacish oo ka dagaalama Soomaaliya.

“Duqeyntaas dhinaca cirka ah waa mid aan ku taageereeyno dowladda Soomaaliya,si ay ula dagaalanto Al-Shabaab,isla markaana ay u wiiqanto awoodooda,waxaana ku dilnay13 ka tirsan dagaalamayaasha Kooxda Daacish  ayuu yiri Agaasimaha dhinaca sirdoonka u qaabilsan Africom ee Qaarada  Afrika Admiral Heidi Berg.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan in duqeyntaas ay wax ku noqdeen iyo in kale dad rayid ah, isla markaana qiimeyn ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay.

14 Abriil ee sanadakan ayay aheyd markii duqeyn lagu dilay ku xigeenkii Daacish C/xakiim Dhoqob xilli uu ku sugnaa buuralayda gobolka Bari, Maraykanka ayaana duqeymaha kooxdaas la beegsanayo kordhiyay wixii markaas ka dambeeyay.

 

LEAVE A REPLY