Ciidamada Amniga ayaa xiray hawlwadeen argagixiso oo gawaarida ku xira Qaraxyada

Ciidamada Amniga ayaa xiray hawlwadeen argagixiso oo gawaarida ku xira Qaraxyada

SHARE

Hawlgal ay Ciidamada Amnigu fuliyeen 5 Apriil ayaa lagu qabtay Shaqsigaan oo ahaa qof u qaabilsan ku xirista Walxaha Qarxa ee gaadiidka si uu waxyeelo u gaysto.

Hawlgalku wuxuu ka dhacay muqdisho waxaana uu qaatay muddo saacado ah sidii loo qorsheeyay ayuuna udhacay iyadoon aanu dhicin wax qasaare ah.

Ciidamada oo daba socday xogo sirdoon oo ay ka heleen ilo muhiim u ah.

Waa qayb ka mid ah dadaalka naf badbaadinta ah ee Ciidamadu ay ku baacsanayaan dhagarqabayaasha utaagan daadinta dhiiga Sjacabka.

Talaabadaan ayaa imaanaysa xilli Ciidamada Amnigu ay Caasimadda iyo Goboladaba ka wadaan hawlgal baaxad leh oo guri iyo geedba looga raadinayo argagixisada Shabaab iyo xulufadooda.

LEAVE A REPLY