Ciidanka Xoogga Dalka oo Gacanta ku dhigay Tiro Maleeshiyo ah iyo deegaanka...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Gacanta ku dhigay Tiro Maleeshiyo ah iyo deegaanka Sabiib

SHARE

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta maleeshiyada Alshabaab ka xoreeyay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ka dib dagaal muddo kooban socday oo ay la galeen maleeshiyada kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, ayay komaandoosta Danab ee Xoogga Dalku ku guuleysteen in ay deegaanka Sabiib ka eryaan Alshabaab.

Ciidanka Xoogga ayaa gacanta ku soo dhigay tiro ka tirsan maleeshiyadii u dagaallameysay argagixisada Alshabaab.

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari booyad ah oo argagixisadu u diyaarinayeen in ay ka buuxiyaan walxaha qarxa, kuna wax-yeelleeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidammada Qaranka ee dalkeenna, ayaa ku howlan in ay cadowga ku baacsadaan goobaha ay ku harsan yihiin, si aysan u helin gabbaadyo ay ka soo abaabulaan falalkooda argagixiso.

Dowladda Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay argagixisada ka xoreyso goobaha ay dalka uga harsan yihiin, si bulshada Soomaaliyeed ugu naallooto nabad iyo xasillooni.

LEAVE A REPLY