Howl-gal lagu dilay Hoggaamiyaal Shabaab ah oo ka dhacay Sh/Dhexe

Howl-gal lagu dilay Hoggaamiyaal Shabaab ah oo ka dhacay Sh/Dhexe

SHARE

Ciidamada Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibbadooda Caalamka ayaa dilay Afar hor-jooge oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, markii ay howl-gal wada jir ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka Shableellada dhexe.

Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu bar-tilmaameedsaday saldhig ay Malleeshiyada Shabaab ku lahayd degaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo ay kasoo abaabuli jireen qaraxyada lagu dhibaateeyo Dadka SHacabka ah.

Weerarkan ay sida wada jirka ah u fuliyeen Ciidamada ammaanka iyo saaxiibbada Caalamka ayaanay jirin wax qasaara ah oo kasoo gaaray Dadka degaanka ku dhaqan, wuxuuna howl-galkaasi kusoo dhammaaday si guul ah.

Ciidamada amniga Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka go’an in ay sii wadaan howl-gallada qorshaysan ee  lagu Dhabar-jebinayo Argagixisada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY