waa waqtiga is kaalmaysig.

waa waqtiga is kaalmaysig.

SHARE

waa waqtiga is kaalmaysig

inta Naga dhimatay ilaah ha unaxariisto inta dhaawaca ahna ilaah ha u booga dhayo inta laga baxayna samir ilaah haku arsuqo innagana gadaashood Nama fidneeyo.

walaalayaal, waxaan joognaa saacadda isku gurmashada iyo is caawinta.

waa in aan xoogeenna isugu geeynaa caawinta dhibanayaasha ficil iyo qawl kasta oo waxtar leh.

waa in aan cadawgeenna Ku wada jeesanaa.

waa in aan Ka dhawrsanaa waxkasta oo dhiirigalin u ah kuwa gumaadaya shacabkeenna.

waa in aan Allaah isku xirnaa quluubtana adkaysanaa.

waa hubaal in aan cadawgaasi nooga hormaridoonin liibaanta aduun iyo midda aakhiro.

Aan isku darno Allaah kaalmaysasho iyo sugnaan caqiido kuna larno adkaysi kuna toosnaanaa dariiqa toosan.

ogaada, marna naguma daynayo cadawgeenu shib iyo hadal, ama col iyo nabad.

waxa kaliya ee uu Ku qancikaraa waa in aad dhimato sidaas awgeedna waa in aan wajahnaa xaqiiqada.

dacfi kasta oo ina haysta qiil Uma samaynayo arxanlaawayaasha mana ukala sokayno oo si aan Kala sooc lahayn ayuu dhiigeenna uraadsanayaa.

Innaa lilaahi wa innaa ileeyho raajicuun.

LEAVE A REPLY