Duqeymo diyaaradeed oo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Hiiraan iyo Sh/...

Duqeymo diyaaradeed oo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Hiiraan iyo Sh/ Hoose

SHARE

Diyaarado dagaaal ayaa lagu soo waramaya in ay duqaymo u geeysteen saldhigiyo ay Maleeshiyada shabaab ku leeyihiin Goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose, sida ay Idaacadda kulmiye u sheegeen Dadka Deegaanka.

Deegaanadda Shabeeloow iyo Luuq-jeeloow ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay diyaaraduhu waxay weerareen fariisimo ay Maleeshiyada shabaab ku leeyihiin.

Oday ka mid ah Dadka deegaanka oo aanan aqoonsigiisa adeegsan Karin amnigiisa awgiis ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in Sedax diyaaradood ay fuliyeen duqaymaha ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in ay gantaallo la dheceen goobo ay Maleeshiyada shabaab ku sugnaayeen.

Wararka ka imaanaya Shabeelaha hoose ayaa sidoo kale sheegaya in weerarro duqayn ah ay ka dhaceen deegaanadda Baladul Amiin iyo Sabiib-Caanoole oo ay Maleeshiyada shabaab maamulaan.

Duqaymaha Labadda gobol Maleeshiyada shabaab loogu geeystay lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dowladda Mareeykanka ayaa geeysta weeradda Cirka ah ee Al-shabaab ay la kulmaan. Waxaana kordhay duqaymaha diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Taliska Africom ay ku ugarsadaan Maleeshiyada shabaab .

Sida uu sheegay Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa duqaymahoodu waxay suurta galiyeen in Al-shabaab aysan isu gurman

Duqaymihii u dambeeyay ee Mareeykanaka iyo Dowladda Soomaaliya ay ka warrameen waxaay 24kii Bishaan deegaan 23 mile Bari kaga beegan Magaaladda Baladweeyne ee Gaobolka Hiiraan.

Waxay sheegeen in Duqayntaas ay ku dhinteen 35 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Dhinaca Shabeelaha Hoose duqaymihii u dambeeyay waxay ahaayeen Afar duqaymood oo 23kii Bishaan ka dhacay Kuunya Barrow, Owdheegle iyo Janaale. Kuwaas oo Africom uu sheegay in uu la beegsaday meelo ay Al-shabab canshuur ku qaadi jireen.

Weeradda Cirka ah ayaa Maleeshiyada shabaab ku noqday musiibo aan lahayn meel looga gambado, waxay badaleen Istiraatiijiyadooda Dagaal iyagoo xoogga Saaray in ay aasaan miinooyinka Culus, sida ay sheegeen xeel dhereyal Amni.

Warbaahinta Washintong Examiner ayaa qortay in Labadda Bilood ee Sanadkaan ay Duqyamaha Mareeykanku Maleeshiyada shabaab ka dileen 181 dagaalame.

LEAVE A REPLY