Maleeshiyada Shabaab oo maanta dad ku xiray degmada Ceel-buur

Maleeshiyada Shabaab oo maanta dad ku xiray degmada Ceel-buur

SHARE

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in amar ay dul dhigeen shacabka ku dhaqan deegaano ka tirsan degmada Ceel buur ee gobolka Galgaduud.

Dadka shacabka  ee ku nool Bari ee gobalka Galgaduud ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujiyeen amarka ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo ah in ay bixiyaan lacag ama xoolo, taasoo keentay in dadka ay diidaan.

Deegaanada arintan ay ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Xiindheere iyo Ceel garaas oo dhamaantooda hoostaga degmada ceel buur ee Gobalka Galgaduud.

Ilo wareedyo ayaa  sheegay in dadka diiday in ay bixiyaan lacago iyo xoolo ay weydiisteen Maleeshiyada la xiray.

Dadka la xiray ayaa tiradooda waxaa ay gaaraysaa ku dhawaad boqol qof.

Shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay kordhiyeen dhibaatooyinka ay u geystaan dadka Shacabka ah ee ku nool Bari Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY