Xubno ka tirsan Maleeshiyaadka shabaab oo lagu dilay Bakool

Xubno ka tirsan Maleeshiyaadka shabaab oo lagu dilay Bakool

SHARE

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool waxay ku qaarijiyeen sarkaal ka tirsan dagalamayaasha  Al-Shabaab,kaasi oo lagu dilay deegaanka Shiidle ee gobolkaasi.

Deegaanada kale ay ciidanka howlgalka ay ka fuliyeen waxaa ka mid ah Shiidle,Dudumaale,Tiyeeg-buul iyo wargaloole dhammaan deegaanadan ayaa ku teedsan wadada isku xirta degmooyinka Xudur iyo Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle sare Warsame Maxamed Diiriye oo faah faahin ka bixiyay howlgalka ayaa sheegay in iska hor imaad kooban oo Ciidanka Xoogga dalka iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhex maray deegaano  ka tirsan Gobolka Bakool ay ku dileen sarkaal  ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sarkaalka  la dilay ayaa caan ka ahaa deegaanada ay Ciidanka howlgalka ka fuliyeen,wuxuuna shacabka ka uruurin jiray lacago baad ah oo ay ugu yeereen Sakawaad.

LEAVE A REPLY