Xubno ka tirsan Maleeshiyada shabaab oo lagu duqeeyay degaanka Ceel-cadde oo katirsan...

Xubno ka tirsan Maleeshiyada shabaab oo lagu duqeeyay degaanka Ceel-cadde oo katirsan gobolka Gedo

SHARE

Duqaymaha ay fuliyeen diyaarahan ayaa waxa la sheegay inay la beegsadeen gaadiid gaaraya ilaa 3 kuwaas oo ay saarnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab sida ay  xaqiijyeen saraakiisha amniga

Waxa ay saraakiishu noo sheegeen in ay ku dhinteen 13 katirsan Alshabaab kuwaas oo ku wajahnaa degaanka Buusaar oo katirsan gobolka gedo iyagoo ka soo baqoolay degaanka ceelcadde

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in sarkaal katirsan Maleeshiyada shabaab oo una qaabilsanaa gobolka gedo uu dhaawac kasoo gaaray .

Sidoo kale waxaa jirta in Maleeshiyada shabaab aysan wali wax war ah kasoo saarin ee la xiriira  duqaymaha ay fuliyeen diyaaradahan dagaal.

Inta badan diyaaraha dagaal oo inta badan laga leeyahay dalka maraykanka ayaa waxa ay duqaymo ka gaystaan qaybo kamid ah gobolada dalka ee ay ku sugan yihiin Alshabaab.

LEAVE A REPLY