Mareykanka oo sheegay in duqeyn ka dhacday Jubbada hoose ay ku dileen...

Mareykanka oo sheegay in duqeyn ka dhacday Jubbada hoose ay ku dileen Maleeshiyad ka tirsan Shabaab

SHARE

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africom ayaa waxaa looga hadlay duqeyn  iyo weerar ay ciidamada mareykanka iyo kuwa Xoogga dalka  ka fuliyeen Gobalka Jubbada hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaasi loo geystay Dagaalamayaal ka tirsan  Maleeshiyada Shabaab lagana hortagay qorshe weerar ah oo ay damacsanaayeen Maleeshiyada Shabaab, ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale taliska Mareykanku ma sheegin tirada weerarkaasi ee waxyeellada ka gaartay Maleeshiyada Shabaab sidii looga bartay,

Qaraalka Mareykanka waxaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha inta laga hortagayo  Khatarta Maleeshiyada Shabaab.

LEAVE A REPLY