NISA oo ka hadashay Howlgal lagu dilay Al-Shabaab.

NISA oo ka hadashay Howlgal lagu dilay Al-Shabaab.

SHARE

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu faahfaahiyay howlgal ay ciidamada amaanka ka fuliyeen  degaanka Farsooleey ee Gobolka Shabeellaha hoose ay hub ku soo furatay.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgalka Farsooleey sidoo kale lagu bur buriyay labo goobood oo Al-shabaab ay dadka Sakada uga qaadi jireen.

Hay’ada NISA ayaa  sheegtay in howlgalkaasi kaddib labo duqeyn oo ka dhacday Gobolka Al-shabaab looga dilay ilaa 40 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

LEAVE A REPLY