Ajaanib ka tirsan Maleeshiyada Shabaab oo lagu dilay G/Jubbada Dhexe.

Ajaanib ka tirsan Maleeshiyada Shabaab oo lagu dilay G/Jubbada Dhexe.

SHARE

Ciidamada militariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Mareykanka  ayaa waxaa howlgal qorsheysan ay ku bur buriyeen  saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayeen kontarool koowaad  ee laga galo Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada dhexe

General Cali Maxamed Maxamuud Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay idaacada ku hadashada Afka ciidamada ayaa sheegay in la burburiyay Saldhigii ay Al-shabaab ku lahayeen kontaroolka laga galo Magaalada Bu’aale, islamarkaana ay dileen xubno ak tirsan Al-Shabaab.

Tirada xubnaha la dilaya ayaa waxaa ay tiradooda gaaraysaa ku dhawaad 22 dagaalame iyo saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajanib

Taliyaha ayaa waxaa uu baahiyay Magacyada xubnaha ay dileen, waxaa uuna ku kala sheegay Abuu Suleymaan Ali Abuu Xudeefa oo heesta dhalashada dalka Yaman oo Al-shabaab u qaabilsanaa xiriirka Arimaha Dibada iyo Abuu Yaxiid Abuu Maniir oo Al-shabaab u qaabilsanaa tababarada isagoona tababara raga fuliya weerada Isqarxinta.

LEAVE A REPLY