13 kamid ah argagaxisada oo lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Gendershe

13 kamid ah argagaxisada oo lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Gendershe

SHARE

War ka soo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn kooxda Alshabaab lagula eegtay deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeelaha hoose lagu dilay in ka badan 13 kamid ah maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab.

Weerarkan oo dhacay 1 bishaan Fibraayo, ayaa waxaa is kaashaday ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka, sida lagu xusay bayaanka Africom ka soo baxay.

“Ciidanka amniga ee Soomaaliya waxaa ay sii wadayaan in ay cadaadiyaan maleeshiyaadka Alshabaab si ay u abuuraan xaalad horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed, Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida gobolka ayagoo laga adkaanayo argagaxisada caalamiga ah,” ayuu yiri  Maj. Gen. Gregg Olson, oo ah agaasimaha howlgalada Africom.

Weerarkan ayaa sidoo kale, waxaa lagu burburiyay saldhig Alshabaab deegaanka Gendershe, ku lahaayeen, ayadoo xaruntaas lagu diyaarinayay gaari qarax lagu xiray oo lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacabka caasimadda.

Sidoo kale, Alshabaab saldhigaas waxaa ay ka soo abaabulayeen weerar ay ku soo qaadaan fadhiisamada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sida lagu xusay bayaanka Africom.

Afar maalin, Mareykanka, waxaa ay duqeyn gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Luuq Jeelow ka fuliyeen ku khaarijiyeen 24 kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab.

Weeraradan isdaba jooga ah ayaa loogu gol leeyahay in lagu caawiyo ciidanka Soomaaliya isla markaana lagu wiiqo awoodda kooxda Alshahaab, si ugu dambeyn mas’uuliyadda amniga wadanka ula wareegaan ciidanka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY