Mareykanka oo sheegay in ku dhowaad 30 argagaxisada Alshabaab ah ku dileen...

Mareykanka oo sheegay in ku dhowaad 30 argagaxisada Alshabaab ah ku dileen gobolka Hiiraan

SHARE

War saxaafadeed ka soo baxay, howlgalka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn habeen hore ka fuliyeen deegaanka Shabeeley ee gobolka Hiiraan ku dileen in ka badan 24 ka tirsan maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab.

Duqeynta ayaa lala eegtay saldhig kooxda nabad diidka ah ay ku lahaayeen deegaanka, sida bayaanka lagu xusay waxaa la burburiyay gebi ahaanba xarunta.

Maj. Gen. Gregg Olson, oo ah agaasimaha howlgalada ee AFRICOM ayaa sheegay in howlgalada sida wadajir ka ah u qaadaan ayaga iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed loogu gol leeyahay in shacabka lagaga difaaco argagaxisada, isagoo intaa ku daray in ay sii wadayaan weerarada noocaan ah.

Bayaanka ayaa lagu tibaaxay in weerarkaas uusan wax khasaare ah ka soo gaarin shacabka deegaanka, waxayna sheegeen in qiimeyn ku hayaan goobaha argagaxisadu ka howlgasho.

Warka ka soo baxay, AFRICOM ayaa lagu xusay in ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda ay ka go’an tahay sii wadista howlgalada lagu naafaynayo dhaq dhaqaaqyada argagaxisada, kuwaas oo xaday gargaarka shacabka, goobaya hantida shacabka si ay ugu sii wadaan howlgaladooda argagaxisinimo oo ay ka wadaan Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY