Taliyaha ciidanka xoogga oo sheegay in sanadkaan la qaadi doono howlgal dib...

Taliyaha ciidanka xoogga oo sheegay in sanadkaan la qaadi doono howlgal dib u xoreyn ah

SHARE

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya sareeyo gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa sheegay in sanadkan uu noqon doono kii la qaadayay howlgada dib u xoreynta deegaanada Alshabaab maamulaan.

Indhaqarshe, ayaa intaa ku daray in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya in sanadkan uu yahay kii u dambeeyay oo dalka joogayaan isla markaana ay doonayaan in ay ka faa’ideystaan si dalka looga saaro kooxda Alshabaab.

“Sanadkaan waxaa ka qaadi doonaa howlgalo ka dhan ah Alshabaab, sanadkan waxaa lagu talagalay fulinta qorshaha dib u xoreynta dalka, maadaama AMISOM ay sanadkaan keliya nala joogeyso,” ayuu yiri Indhaqarshe.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale, tilmaamay in dhowaan ayaga iyo AMISOM soo saari doonaan qorshe faahfaahin oo si wadajir ah loogu howgali doono.

Hadalkan ayuu taliyaha ciidanka xoogga dalka ka sheegay tababar shalay magaalada Muqdisho loogu furey saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Sanadka 2020, ayaa sida uu qorshaha uu ahaa waxaa la go’aamiyay in la soo gabagabeeyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya isla markaana mas’uuliyadda amniga wadanka lagu wareejiyo ciidanka Soomaalaiya.

LEAVE A REPLY