Duqeyn xalay lala beegsaday xarun argagaxisadu ku laheyd gobolka Hiiraan

Duqeyn xalay lala beegsaday xarun argagaxisadu ku laheyd gobolka Hiiraan

SHARE

Duqeymahan ayaa waxaa fuliyay diyaarado sida dadka deegaanku sheegeen, kuwaas oo lala eegtay bartilmaameedyo kooxda Alshabaab ku leeyihiin deegaanka Luuq Jeelow ee gobolka Hiiraan.

Ilaa iyo iminka lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeymaha ka dhacay gobolka Hiiraan, dadka deegaanka qaarkooda ayaa waxaa ay soo wariyeen in ay arkeen diyaarado joogt hoose ku duulaya.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya in duqeynta xalay si gaar ah loola eegtay xarun argagaxisado ku laheyd deegaanka isla markaana khasaare xoogan loo geystay.

Ciidanka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa inta badan beegsada saldhigyada kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab, waxayna duqeymaha loogu geystaa khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY