Diyaarado dagal oo duqeyay Saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Luuq jeelow

Diyaarado dagal oo duqeyay Saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Luuq jeelow

SHARE

Diyaarado dagaal ayaa waxaa la sheegay in ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaan ka tirsan  Gobalka Hiiraan.

Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacday deegaanka luuq Jeeloow ee Gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay duqeyntaasi lala beegsaday Saldhiga Al-Shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Luuq jeelow.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Mana jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobalka Hiiraan.

LEAVE A REPLY