Ajaaniib dooneysay iney ku biiraan Al-shabaab oo la qabtay

Ajaaniib dooneysay iney ku biiraan Al-shabaab oo la qabtay

SHARE

Taliyaha Booliiska Kenya ayaa sheegay in la qabtay Ajaanib doonayay in ay Al-shabaab ku biiraan xilli ay ku sugnaayeen deegaano ku yaala xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Joseph Boinet ayaa sheegay in ragga la qabtay ay yihiin Labo ruux. Midkood waxaa uu ka soo jeedaa Wadanka New Zealand, waana 36 jir lagu magacaabo Sulub Warfaa, sidoo kale ninkaan waxaa uu wataa Labo Baasaboor oo aan isku magac ahayn.

Ninka kale ee la tuhunsanyahay waa Sakhawediin Cabdullahi Maxamed waxaa uuna wataa Baasaboor Ethioipian ah.

Ragaan waxaa ay kusoo jedeen Gaarisa iyagoo watay gaari Toyota Hilux ah, sida uu sheegay Taliyaha Booliiska.

Taliyaha ayaa waxaa uu hadalkiisa ku daray in ragaan ay doonayeen in ay Soomaaliya usoo gudbaan si ay ugu Biiraan Al-shabaab, waxaana ku socda Baaritaaan dheeri ah.

Howlgalka ragaan lagu qabtay waxaa uu qayb ka yahay Howlgallo isdaba jooga ah oo ciidanka Kenya ay deegaanadda xuduudda dhaca  ka bilaabeen wixii ka dambeeyay 15kii Bishaan oo Al-shabaab ay weerareen Magaaladda Nairobi.

Waxaaa jira Dad kale oo gaaraya illaa iyo 10 ruux oo lagu xiray Howlgalkii ragga Ajaanibta ah lagu Qabtay.

Axaddii todobaadkaan ayaa Booliisku waxay Ismamulka Kwale ku xiren 17 dhalinyaro ah kuwaas oo muddo bil ah ku xareeysnaa Guri qarsoodi ah islamarkaana qorsheynayay in ay Al-shabaab ku soo biiraan.Waxay ahaayeen 15 Rag ah iyo Labo Dumar ah.

LEAVE A REPLY