Madaxweynaha Jabuuti oo tababarada ay siiyaan ciidanka Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti oo tababarada ay siiyaan ciidanka Soomaaliya

SHARE

Madaxweynaha dalka Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in dadaalo badan lagu bixinayo sidii ciidanka Soomaaliya u noqon lahaayeen kuwo kari kara in ay hantaan amniga wadanka ka dib bixitaanka AMISOM.

Madaxweyne Geelle, ayaa intaa ku daray in dalalka ku jira howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo dowladaha sida Turkiga oo kale wadaan tababar iyo qalabeyn ciidanka Soomaaliya taas oo u jeedkeedu yahay sidii mas’uuliyadda ammaanka wadanka ugala wareegi lahaayeen AMISOM.

Mudane Geelle, ayaa xusay in tababarka ay Jabuuti siineyso ciidamada Soomaliya ay ka socdaan gudaha wadanka iyo Jabuuti isla markaana iminka meel wanaagsan wax marayaan.

Dalka Jabuuti, ayaa kamid ah wadamada ciidankooda joogaan Soomaaliya, kuwaas oo la dagaalamaya kooxda Alshabaab isla markaana caawinaya dowladda Soomaaliya, madaxweynaha Jabuuti ayaana aaminsan in Soomaaliya waxaa ay la dagaalamayso aysan aheyd dowlad leh ciidan culus oo dabaabado wata, sidaa awgeedna ciidanka Soomaalida haddii la qalabeeyo ay ku filan yihiin sugida amniga wadanka.

 

LEAVE A REPLY