Maxkamada Al-shabaab ee Deegaanka Bariire oo la sheegay in la bur buriyay

Maxkamada Al-shabaab ee Deegaanka Bariire oo la sheegay in la bur buriyay

SHARE

Ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa Howlgal ay fuliyeen waxaa ay ku bur buriyeen sida la sheegay maxkamad Al-shabaab ay ku lahayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose.

Howlgalka ayaa lagu sheegay in lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Al-shabaab iyo dagalamayaal la sheegay in dhawaan ay ku biireen Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga oo la hadlay idaacad ku hadasha Afka ciidamada ayaa sheegay in howlgalka qorsheysan ay ku bur buriyeen Saldhigyo iyo maxkamad ay leeyihiin al shabaab, kaasi oo ku taalla deegaanka Bariire.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray hadalkooda in Saldhigyada la bur buriyay ay ka mid ahaayeen kuwo dadka shacabka ah lagu dhibaateen jiray iyagoona sheegay in halkaasi lagu dilay 30 dagaalame iyo 10 saraakiil, kuwaasi oo isugu jiray Soomaali iyo Ajanib sida hadalka loo dhigay.

Saraakiisha Ajaanibta ah ee lagu dilay howlgalka ka dhacay Bariire ayaa Magacyadooda lagu sheegay Abuu Muniir ciraaqi oo kasoo jeeda Suudaan iyo Axmed Abuu shaafici oo Asal ahaan kasoo jeeda Dalka Yaman Balse heesta dhalashada dalka Afganistaan.

Wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in saraakiisha howlgalka lagu dilay uu ka mid yahay guddoomiyaha Maxkamada Al-shabaab u qaabilsanaa Deegaanka Bariire kaasi oo magaciisa lagu sheegay Macalin Maxamuud faarax Abuu xuseen.

LEAVE A REPLY