Maleeshiyaad badan oo Alshabaab ah oo lagu laayay deegaanka Bariire

Maleeshiyaad badan oo Alshabaab ah oo lagu laayay deegaanka Bariire

SHARE

In ka badan 30 kamid ah Alshabaab oo Soomaali iyo Ajaaniib isugu jira ayaa la laayay ka dib markii Ciidanka xoogga dalka ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha hoose, sida ay saraakiisha u sheegeen warbaahinta.

Howlaglkan ayaa lagu burburiyay saldhigyo iyo xarun maxkamadeed oo kooxda u laheyd deegaanka, wararka ayaa intaa ku daray in ragga la dilay oo ajaaniibta ah ay kamid yihiin Abuu Muniir iyo Axmed Alshaafici.

Sidoo kale, weerarkaas ayay ciidanka ku khaarijiyeen guddoomiyihii maxkamadda Alshabaab ee deegaanka Bariire, Macalin Maxamuud Faarax Abuu Xuseen.

Saraakiisha ciidanka xoogga ayaa intaa ku daray in goobaha laga burburiyay Alshabab ay ahaayeen xarumo lagu dhibaateyn jirey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa labo laabay weerarada qorsheysan oo ay la beegsadaan xarumaha maleeshiyaadka Alshabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka iyo caasiamdda intuba.

 

LEAVE A REPLY