Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay duqeyn ku dileen sarkaal ka tirsan...

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay duqeyn ku dileen sarkaal ka tirsan Alshabaab

SHARE

Taliska ciidamada Maraykanka ee ka howlgala qaarada Afrika ee loo soo gaabiyo Africom ayaa sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday fariisimo ururka Al-Shabaab ay ku leeyihiin qeybo kamid gobolka Jubada Dhexe Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay taliska ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe lagu dilay xubin sare oo ka mid ah Al-Shabaab xili diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay gantaalo la dhaceen fariisimahan.

Afhayeenka ayaan wax faahfaahin oo intaasi ka badan ka bixin duqeynta iyo sida ay u dhacday hase ahaatee waxa uu sheegay in dib ay ka faahfaahin doonaan duqeynta lagu beegsaday fariimaha Alshabaab ay ku lahaayeen nawaaxiga degmada Jilib.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ay ka fuliyaan Soomaaliya waxaana xusid mudan in dhawaan duqeyn ay ka fuliyeen isla gobolka Jubada dhexe ay ku dileen 50 kamid ah xooggaga Alshabaab.

LEAVE A REPLY