Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen Hoggaamiye Ka tisan sirdoonka Maleeshiyaadka Shabaab.
“Howgal Qorsheysan oo si taxader leh loo guliyay ayaa ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hoggaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala Magaalada Muqdish” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta twitter-ka NISA.
Laamaha amaanka ayaa marar badan gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab.
si kastaba ha haatee, hay’adaha Amniga ayaa dadaal badan ku bixiya sidii gacanta loogu dhigi lahaa, xubnaha ka tirsan Maleeshiyaada Shabaab ee ku dhuumaaleysta Magaalada Muqdihso.