Hooyo, Hooyo, Hooyo Suldaano Hankeenu Waa Kii Shalay!!!

Hooyo, Hooyo, Hooyo Suldaano Hankeenu Waa Kii Shalay!!!

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Hooyo Salaado Xuseen Nuur waa Hooyo Soomaaliyeed oo ka shaqeysan jirtay goob shaaha lagu cabo oo ku taalo Taalada Xaawo Taako Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, isla markaana kala qeybisa Degmooyinka Xamar weyne iyo Warta Nabadda.

Qaraxii 22 December ay Al-Shabaab ka geysteen Taalada Xaawo Taako ayay Qoyska Hooyo Salaado ku noqotay musiibo, kaddib markii ay ku waayeen Walaasheed Farxiyo oo u geeriyootay bir ka gashay dhanka Wadnaha oo jartay dhiiga qaada Hal bowlaha, taasi oo ka timid gaariga Al-Shabaab ay ka soo buuxiyeen biraha iyo walxaha qarxa ee ay ugu talagaleen inay Ummadda ku xasuuqaan.

Sidoo kale isla goobta Xaawo Taako waxaa ku dhaawacantahay curudda Hooyo Salaado oo jirta da’da 13-sano, taasi oo u ahayd xoog, maadaama ay shaqadoodu tahay iibinta shaaha, isla markaana aysan ka niyad jebi doonin dib u yegleelidda meheradooda ganacsi.

Qaraxii kan ka horeeyay oo ay argagixisadu ka geysteen isla goobtan waxa ay Hooyo Salaado ku weysay Seeygeeda.

 

“Anaga masaakiin ayaan iska nahay, goobtan shaah ayaan ku karsan jirnay, mucjisadan ayaa nagu habsatay oo galaafatay Walaasheyda Farxiyo, iyo gabarteeyda curudda ah oo iga dhaawacantay, tani waa qadar Alle ee aan u wada duceyno Farxiyo iyo inta kale ee goobta ku dhimatay” ayay tiri Hooyo Salaado.

Hooyo Salaado iyo Walaasheed Farxiyo subax kasta waxay u soo kalihi jireen in shilin shilin-ka ay goobta ka helaan ku quudiyaan ehelkooda iyo naftooda, balse taa dabadalkeeda Argagixisada Al-Shabaab ay gaari ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa oo ku kacaya kumanaan kun oo dollar ay ku holciyeen in ka badan 20  qof oo ay ka mid ahayd Farxiyo.

Allaha u naxariistee Farxiyo waxa ay ifka kaga tegtay hal canug, halka Hooyo Salaado ay iminka korineyso 6- carruur ah oo midi kamid ah ay ku dhaawacantahay qaraxii musiibada ahaa, kuwaasi oo isugu jira agoon iyo carruur ay Aabahood kala tageen.

Hooyo Salaado Xuseen Nuur inkasta oo uu dhibkan gaaray hadana hankeedu waa kii shalay, iyadoo si murugo ku dheehantahay ula hadlaysay bulshadana waxa ay ka shacabka ka codsaday inay gacan ku siiyaan sidii ay markale meheraddii ka bur burtay u dhisan lahayd, maadaama ay ka soo jeeddo qoys sabool ah, una baahantahay kaalmo dhinac waliba leh.

Barihii Bulshadu ay wayday.!!!

Hooyo Suldaano Muuse Caddow, waxay ka mid ahayd Macalimiinta Soomaaliyeed ee mudada dheer waqtigooda u huray waxbarista, iyo kobcinta garaadka dadka Soomaaliyeed ee waxbaranaya.

Halganka Nolosheeda iyo hamiga wayn ay ka laheyd soo saarista Bulsho waxbaratay oo leh maskax nadiif ah ayaa waxaa hor istaagay maleeshiyada Al-Shabaab oo Qarax ku dilay 22-kii Bishaan December, xili ay u socotay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka tirsanayd.

Hooyo Suldaano in ka badan 10-sano ayay ka shaqaynay howlaha Waxbarashada, iyadoo waqtiga uga badan ay ahayd Macalin wax bara Ubadka Soomaaliyeed.

Waxay mudo dheer ka soo shaqaysay oo macalin ay ka ahayd Machadyo kala duwan oo ku yaala magaalooyinka Maka iyo Madiina ee dalka Sacuudiga.

Sidoo kale waxay macalin ka soo noqotay qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaala dalka, sida ay inoo sheegeen dadkii ay aadka isku garanayeen Suldaano Allaha u naxariistee.

2015-kii ayay Suldaano Muuse ku biirtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dib loo howlgaliyay 2014-kii.

Waxay haatan sidoo kale la shaqaynaysay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya sida ay Radio Muqdisho u sheegay saygeeda Eng. Axmed Calasow.

Allaha una xariistee Hooyo Suldaano waxay xilligaan ahayd Madaxa qaybta Tababarrada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalana waxayd ahayd Macalimad dhigta luuqada English-ka.

Suldaano Muuse Caddow da’deeda waxay ahayd 54, sano jir, waxayna ku dhalatay Gobalka Shabeellaha Hoose Sanadka markuu ahaa 1964-tii.

Waxbarashadeeda Hoose, Dhexe iyo Sare waxay ku qaadatay Magaalooyinka Golwayn, Marka iyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sido kale degree-ga koowaad ee Jaamacadd waxay ka qaadatay Universiti Putra Malaysia (UPM) waxayna ka baxday kulyadda luuqadaha.

Shaadada master-ka ee heerka labaad ee Jaamacadda waxay ka qaadatay Lincoln University oo ku taala dalka Malaysia, iyadoo baratay cilmiga maaraynta Ganacsiga.

Waxay ahayd Hooyo dhashay Saddex caruur ah, waxaana haatan ay ifka uga tagtay oo kaliya Hal wiil oo ay dhashay iyo labo caruur ah oo uu dhalay.

“Waxay ahayd qof na xariis badan, oo aad uga war haysa dadka ay isku shaqada yihiin duruufaha iyo culaysyada ay dareemayaan, sidoo kale aad ayay ugu fir fircoonayd shaqada, waxayna ahayd qof aad iyo aad u jecel horumarka iyo isbadalka,” Sidaasi waxaa Radio Muqdisho u sheegay qof ka mid ah dadkii ay isla shaqaynayeen.

 

LEAVE A REPLY