Qormo Ku Socota Xagjirka:-Haka Fekerin Qof In Aad Dili Karto Oo Keliya....

Qormo Ku Socota Xagjirka:-Haka Fekerin Qof In Aad Dili Karto Oo Keliya. Isweydii Qof Ma Badbaadin Kartaa?

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Nolosha dadka qiimee. Ilaaha Aadamah uuntayna ka cabso, waad ogtahay in aan Ilaaheey loogu dhawaaneyn dhallinyaro lagu qalqaaliyo in ay naftooda halligaan isla markaasna ay dilaan dad dariiqaas maraya, dembi aan gelin, Maxkamad dil ku xukuntay aanay jirin, laga yaabo in ay salaad hadda soo tukadeen ama ay u socdaan Masjidka,  cid ay duullaan ku yihiinna aanay jirin.  Laga yaabo in ay ku jiraan dhakhaatiir bukaanka daaweysa, taajiriin masaakiin masruufa, aabbayaal carruur badan koriya, macallimiin ubadka wax barta, hooyooyin sebi naaska nuujiya, ama sidkoodii dhammaaday bal qiyaas bambaano waddo lagu qarxiyay ama gaari Qaraxyo aad kasoo buuxisay inta ku go’i karta!

Waad ogtahay in dadka aad leyneysaan ee gacantiinnu ay gaarto uu yahay oo keliya dadka Soomaaliyeed ee colaadda, qaxa iyo horumar la’aantu ay dalalka asaaggood ah ka reebtay.

Waad ogtahay shacabku in aanuu mas’uul ka ahayn siyaasadda Dowladda iyo siyaasadaha kale ee aad sheegtaan in aad ka gilgilaneysaan.

Aan ku weydiiyee ma Alle SW ayaad ugu dhawaatay ama ugu dhawaateen qofka Soomaaliyeed ee iska lugeynaya waddooyinka Muqdisho, la daalaadhacayay helista nolal maalmeedka qeyskiisa eek u xiran waxa uu maalintaa soo helo, haddana aad qarxineysaan, una xasuuqeysaan sida naxariis darida ah.

Bal isu miisaan Jihaadka aad ka beensheegeysaan iyo dhibaatada aad ku haysaan shacabka Soomaaliyeed inta ay gaarsiisantahay.

Waad ogtihiin in qaraxyadiinna ay ku naf waayeen dad baahan oo aan qado haysan. Waan ogahay in meelaha aad ku dhuumaaleysataan aysan ku qanacsaneyn maamulkiina iyo hab dhaqanka horjoogayaashiinu kula kacaan dadka idinla nool, taasoo ay u sii dheertahay dilalka xaqdarida ah ee aad kula kacdaan, baadda iyo baneysashada maalkooda, adinka oo dadkaasi ku qaldaya sheegashada ku dhaqanka Diinta Islaamka si aad u baneysataan gaarista hafkiina gurracan.

Waxaad ogtahay in si kasta oo aad u qarxisaan aan shacabku ka dhammaan doonin Soomaaliya. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad dhallinyarada Soomaaliyeed u qarxisaan in Dowladda Soomaaliyeed aysan aqbali doonin in ay xukunka idiin banneyso inyarba ha ahaatee.

Hoosta ka xarriiqo in Dowladda Soomaaliyeed oo kaashaneysa Shacabkeeda wadaniyiinta ah ay marwalba ka go’antahay sidii ay dalka idinkaga ciribtiri laheyd, idinkana badbaadiso umadda Soomaaliyeed ee aad maalinkasto dooneysaan in aad xaqdarro ku dishaan, maantana Soomaali oo dhan ay ogaadeen kana wada dhergeen hadafkiina iyo hoogga aad dooneysaan in aan aad dalkaan u horseeddaan.

Waad ogtahay in ciidanka shisheeye aanuu dalkan uga baxeyn in dad Soomaaliyeed oo masaajid ku tukanaya ama waddo maraya ay dad kale oo Soomaaliyeed ay weeraraan oo ay laayaan. Waad ogtihiin in aan ciidanka shisheeye dalka ka bixi doonin haddii aad cunaqabateysaan shacabka sida ka

Gunaanadka qormaddardaaranka ah waxaan kugu xasuusinayaa in maanta ay jirto fursad aad kaga soo noqon karto fikirkaan xagjirnimada ah ee laguugu qalday, haddii shalay lagugu siray in Diinta islaamka loo qidmeynayo ogoow taasi ay tahay been laguu sheegay ee maanta Allihii ku abuurtay u soo laabo kana towbad keen falkii xumaa ee shalay aad ku jirtay maadaama marwalba ay furantahay Towbadda Alle.

Waxaa Qoray Wariye Ismaaciil Orange.

LEAVE A REPLY