Qormo:-Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Udhexeeya Kooxaha Xagjirka Al Shabaab Iyo Daacisho

Qormo:-Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Udhexeeya Kooxaha Xagjirka Al Shabaab Iyo Daacisho

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Afhayeen Kooxda Xagjirka Al Shabaab oo akhrintay Bayaan ay soo saartay kooxdu laguna baahiyay baraha bulshada warbaahinta ku hadasha afka kooxdaasi ayuu kaga hadlay xaaladda adag ee maalimihii u dambeeyay ay wajahayeen Horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka ay marin habaabiyeen kooxda Daacish.

Calidheere oo soo duubay cod maqal ah ayaa kahadlay dilalka iyo weerarda tooska ah ee muddooyinkii ugu dambeeyay uga imaanayay Ururka Xagjirka Daacish garabkooda ka dagaalama Soomaaliya.

Cali Maxamuud Raage wuxuu ka hadlay sifooyinka kooxdu ku howlgasho isagoo ku eedeeyay in dilal kala duwan oo ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo lagu khaarajiyay horjoogayaal badan oo ka tirsanaa Xagjirka Al Shabaab.

Bayaaka ayaa lagu Sheegay in Daacish ay baneystay dhiigga iyo hantida dadka muslimiinta, iyagoo sidoo kale baad iyo handadaad joogta ah ku haya ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa soobaxay koox sheeganeysa Dowladda Islaamiga ee Soomaaliya, kooxdaan waxay lasoo ifbexeen fidno,tafaraaruq dhaliyay mashaakilaad badan iyagoo fasahaadinaya macnaha Jihaadku leeyahay” ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ Daacish waxay ku sufoobeen Qabyaalad,dulmi,been,Dhagar, Ballan La’aan, ma oofiyaan balamaha, Waxay ku ciyaarayaan Axkaamta Shareecada,4 Sano kahor ayay ku dhawaaqeen Dowladda Islmaamiga, ma aysan Oogin wax Xuduud ah, Balse waxay taas badalkeed baneysteen daadinta dhiigeena iyo maalkeena”.

Gabagabada Bayaanka Kooxda Al Shabaab

Gunaanadka Bayaanka ayaa Kooxda Xagjirka Al Shabaab waxa ay ku iclaamisay dagaal kadhan ah Dhiggooda Daacish, wuxuuna Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ku boorriyay Maleeshiyaadka Kooxda in ay iska caabiyaan weerarada kaga imaanaya Daacish ayna ku dilaan meeshii ay kula kulmaan.

Calidheere ayaa Kooxda Daacish ku tilmaamay in ay yihiin Kansar isagoo dhallinyarada ku amaray in ay si adag uga hortagaan ayna xididada u siibaan damaca kooxda Daacish.

Bayaanka Kooxda Al Shabaab ayaa imaanay xilli uu sii xoogeysanayaan dilalka iyo weerarada ah ee Daacish ay u geysaneyso horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Al Shabaab, waxaana u dambeeyay weerarka Xagjirka Daacish ku qabsadeen saldhig Al Shabaab ku lahaayeen gobalka Bari, kaas oo masu’uuliyaddiisa sheegatay Daacish.

LEAVE A REPLY