Xagey Kala Marayaan Kooxaha Xagjirka Daacish Iyo Al Shabaab Oo Ku Dagaalamay...

Xagey Kala Marayaan Kooxaha Xagjirka Daacish Iyo Al Shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobalka Bari

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Kooxda xagjirka Daacish ayaa sheegtay in 14 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku dileen duleedka Degmada Qandala ee Gobolka Bari, halkaas oo ay Kooxda Daacish sheegtay in ay weerar ku qaadeen saldhig ay Maleeshiyadka Kooxda ku sugnaayeen.

War lagu daabacay Bogga Acmaaq ee ku hadla Afka Kooxda Xagjirka Daacish ayaa lagu sheegay in Daacish ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Ba’ir Mirali oo koofur Galbeed uga beegan degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Daacish waxaa ay sheegtay in Saldhigga ay weerartay ay Al-shabaab ka abaabulayeen weerar ka dhan ah Daacish, Waxayna sheegteen inay halkaasi ka qaateen dhamaan Agabkii Ciidan ee yaalay.

Dagaallo iyo dilal gaadma ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhexeeyay labada koox oo isku heysta awoodda cidda maamuleysa fikirka xagjirnimada ee ay ku baadaan Shacabka Soomaaliyeed iyagoo ku gambanaya ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo ay ka beensheegeen.

Dilal gaadmo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah goballada dalka ayaa Kooxda Daacish ay kaga takhaluseen horjoogaal sarsare oo u badnaa Amniyaadka Al Shabaab, waxayna taasi sababtay in Kooxda Daacish ay la wareegto maamulka deegaano ay markii hore ku xoog badnaayeen Al Shabaab.

 

LEAVE A REPLY