Sawirro: Ciidamada Amniga oo fashiliyay qarax miino lagu aasay xaafad ka tirsan...

Sawirro: Ciidamada Amniga oo fashiliyay qarax miino lagu aasay xaafad ka tirsan Muqdisho

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qarax miino lagu aasay Xaafada KPP ee degmada Hodan magaalada Muqdisho.

Qoraal Hey’adda NISA ku daabacday bogga Twitter-ka ayaa waxay ku shaaciyeen in Ciidamada Booliska iyo NISA oo wada shaqeyn ka helay ay ku guuleysteen in miino iyo walxo kale oo qarxa ka soo bixiyaan agagaarka Masaajid ku yaala Xaafada KPP.

Waxaa la sheegay in wada shaqeyn ay ka heleen bulshada, isla markaana ay tahay markii labaad todobaadkan oo la fashiliyo qarax miino, iyadoo jimcihii sidan oo kale miino laga soo saaray xaafad ka tirsan degmada Hodan.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdonka Qaranka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay soo bandhigayeen howlgalada lagu soo qabto xubno la sheego inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, inkastoo aanay Hey’addu soo bandhigin magacyada ragga la qabto.

Qaraxyada Miino ee la geliyo dhulka hoostiisa ayaa ka mid ah weearada Al-Shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka.

  

 

LEAVE A REPLY