Faahfaahin Qaraxyo Iyo Weerar Wada Socday Saakay Aroortii Ka Dhacay Gaalkacyo

Faahfaahin Qaraxyo Iyo Weerar Wada Socday Saakay Aroortii Ka Dhacay Gaalkacyo

SHARE

Gaalkacyo,(Samawade.so):-Labo qarax oo xooggan iyo weerar toos ah ayaa Waaberigii saaka lagu qaaday magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo la weeraray xarun uu degenaa wadaad caan ka ahaa magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin lagu weeraray xarun uu Koofurta Gaalkacyo ka degenaa wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare, waxaana xarunta wadaadka gudaha u galay Maleeshiyaad hubeysan oo katirsanaa kooxda Xagjirka Al Shabaab.

In ka badan 10 ruux oo uu ku jiro wadaadka ayaa ku geeriyooday qaraxyada iyo weerarka tooska ah ee lagu qaaday xarunta wadaadka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in la toogtay xertii Wadaadka ee xarunta deganeyd iyo rag ilaalo uu lahaa wadaadka.

Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa la sheegay inay toogteen qaar ka mid ah raggii weerarka ka dambeeyay, iyadoo la qabtay mid ka mid ah ragga weerarka ku qaaday xarunta, kaasoo qaba dhaawac.

Kooxda Xagjirka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka saaka lagu qaaday xarunta wadaadka, kuwaasoo sheegay inay dileen Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare oo tilmaamay inuu sheegtay Nabinimo.

Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare ayaa buuq badan ka dhex dhaliyay bulshada, kaddib markii uu ka soo muuqday muuqaal uu dhalinyarada ku barayo Diinta iyo qoob ka ciyaar, waxaa sanad ka hor Maxkamad ku taal gaalkacyo ku soo eegtay dambi ah inuu Nabinimo sheegtay, inkastoo markii dambe la sii daayay.

 

LEAVE A REPLY