Faahfaahin ka soo baxaysa qarax maanta ka dhacay Muqdisho iyo dowlada oo...

Faahfaahin ka soo baxaysa qarax maanta ka dhacay Muqdisho iyo dowlada oo ka hadashay

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Qarax xooggan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay Xaafada Kaawo Godey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa uu ahaa gaari la dhigay wadada dhinaceeda.

Goobjoogayaal ku sugnaa meel u dhaw goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa Samawade.so u sheegaya in gaari yar oo wadada la dhigay uu qarxay abaarihii 01:00Pm Saacadda Geeska Africa, kadib markii ay ka shakiyeen ciidamada Amniga oo bar Koontarool ku leh goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabihii Kaxeynayay gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Muqdisho.

dadka ku dhintey qaraxan ayaa la sheegay in ay ka badan tahay toban ruux halka tiro intaa kabadana ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Amniga oo ka hadashay qaraxan ayaa sheegtay in qofkii ka dambeeyay qaraxa ee waday gaariga qarxay ay ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen.

War ka soo baxay wasaarada amniga ayaa lagu sheegay in wadaha gaariga uu doonayay inuu ka gudbo bar koontarol balse markii ay ciidamada joojiyeen uu isku dayay inuu ka baxsado halkaas.

 

LEAVE A REPLY