7 kamid Ah Maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab Oo Lagu Dilay Gobolka Shabeellaha...

7 kamid Ah Maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab Oo Lagu Dilay Gobolka Shabeellaha Hoose

SHARE

Marko,(Samawade.so):-Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ay khasaaro badan ku gaarsiiyeen Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ka sameeyay Gobalka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraarim Barre oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ilaa iyo 7-ka mid ah Argagixisada Al Shabaab lagu laayay howlgalkaankaas.

“Sidaad ogtihiin shalay waxaa ka dhacay deegaanka Jilib Marka Howlgal qorsheysan kaas oo ciidanku qaadeen Maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab halkaas waxaa lagu dilay 7 kamid ah Maleeshiyada kuwo kalena dhawaac ayaa loogu geystay” sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellah Hoose.

LEAVE A REPLY