Xubno Ka Tirsan Kooxda Xagjirka Daacish Oo Muqdisho Lagu Qabqabtay

Xubno Ka Tirsan Kooxda Xagjirka Daacish Oo Muqdisho Lagu Qabqabtay

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Ciidanka Ammaanka ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxay ku soo qabteen xubno ka tirsan Argagixisada Daacish.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid qorshaysan oo loo sameeyay si taxadar leh, waxaana lagu guulaystay in dhagar qabayaasha Gacanta lagu dhigay, iyadoo cidi waxba ku noqon sida ay shaacisay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November, 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho kasoo qabtay xubno ISIS ah.

Howlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax kunoqon u fulay. waxayna Soo qabashada xubnahaan ayaa Dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena.

 Hay’adda NISA ayaa sheegtay in qabashada Dhagar qabayaashaan  dhantaalayso dhibaatada ay Argagixisadu u maleegayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka amaanka iyo kuwa xoogga dalka ayaa sii laba jibaaray howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dhuumaalaysanaya qaybo yar oo ka mid ah dalka.

 

 

LEAVE A REPLY