AQRISO Qormo Aan Idin Kaga Diyaarinay Hooyo Xaamilo Aheyd Oo Xubnihii Ugu...

AQRISO Qormo Aan Idin Kaga Diyaarinay Hooyo Xaamilo Aheyd Oo Xubnihii Ugu Qaalisanaa Jirkeeda Ku Weysay Qaraxyadii Xagjirka Al Shabaab La Beegsadeen Hotel Suxufi & dhibkii qabsaday.

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Waa hooyo Sacdiya Saleebaan oo labadeeda lugood kuweysay qaraxii dhowaan ka dhacay Hotel Saxafi,Waxey markaas waday cunto yar oo ay ugu talo gashay cashada habeenkaas ee reerkeeda.

  • UUR AYEY LAHAYD

Hooyo Sacdiya inta uusan qaraxa dhicin waxa ay laheed uur 9 bilood ah. Isbuuc kadib wey dhali rabtay sida uu seygeeda ii sheegay

Lakin ugu dambeyn cunugii wuu dhintay, waana lagu qalay. Alla xanuun badanaa 😭

  • AFAR FAROOD AYEY WEYSAY

Intaas kaliya maku koobno. Hooyo Sacdiya waxey qaraxyadii Muqdisho kuweysay 4 kamid ah faraheeda gacanta bidix

Waxaa kaloo dhaawac kasoo gaaray dhanka feeraha iyo dhabarka dambe

  • WAJIGEEDA ARAG MAAMADA 😭

Gabi ahaan waxaa isbadalay oo gubtay wajiga hooyadan Somaliyed. Waxaana xitaa macquul ah in wajiga uu qaliin u baahdo

Intaan wareysiga waday, runtii ilmada ka qubaneeysay iyo qaabka ay hadana isku sabarsiineeysay ayaan la yaabay.

Labo lugood, afar farood, wajigeeda oo gubtay, cunugeeda sagaalka bilood oo ka dhintay, dhaawacyo kale oo soo gaaray. Bal qiyaas xanuunkan

  • 5 CARUUR IYO AABAHOOD

Hooyo Sacdiya oo dulman ayaa heysata shan caruur iyo aabahood oo aan wax shaqo ah heyn

Iyada ayaa magalada u gali jirtay oo nolol maalmeedka u soo dhicin jiray, maadama qoyska iska tabar daran yihiin.

  • CODSI QIIRO LEH

“Walaalyaal aniga waad ii jeedaan saan ahay. Caruurteeydana cid uma maqna ceel uma qodna”

“Dhibaatada isoo gaartay aniga ayaa dareemi kara. Cunugii aan 9 bilood caloosha kusiday hada ma heysto”

“Lugihii aan ku shaqeysan lahaana iguma yaalaan. Waxaan idinka codsanaa in wixii aad igu caawin kartaan igu caawisaan” 😭

“Teleefonkeeyga waa 0618713053 ama 0612148311. Ma hadli karo intaan ka badan, waa mahadsan tihiin”

Inta ka naxday oo ka damqatay please share gareeya si somali oo dhan u arkaan. Alla xanuun badanaa dhacdadaan

Allow caafi Hooyo Sacdiyo. Wlh waan ilmeeyay intaan qorayay qisadaan.

 

Waxaa qoray: Idris Abdulkadir.

LEAVE A REPLY