Ciidamada Amniga Oo Qabtay Dhagarqabe Xagjirka Al Shabaab Ka Tirsan Oo Galabta...

Ciidamada Amniga Oo Qabtay Dhagarqabe Xagjirka Al Shabaab Ka Tirsan Oo Galabta Dilay Mid Kamid Ah Howlwadeenada Degmada Waaberi

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Dhagarqabeyaal Katirsan Xagjirka Al Shabaab oo ku hubeysaan bastoolado ayaa gelinkii dambe ee maanta toogasho ku disahay mid ka mid ah shaqaalaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay agagaarka wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo    wiilka la dilay oo magaciisa lagu soo gaabiyay Deeqow, kaasoo kamid ahaa shaqaalaha xarunta Maamulka degmada Waaberi.

Guddoomiyaha Waaxda Horseed ee degmada Waaberi Karaama Muriiddi Muuse ayaa warbaahinta u sheegay in  gacanta lagu dhigay mid ka mid ah raggii dilka geystay halka mid kalena uu baxsaday.

“Wiilka la dilay oo la yiraahdo Deeqow wuxuu ahaa Xogheynta xafiiskeyga, nasiib wanaag mid ka mid ah raggii la dilay waa la qabtay, kan labaad ee baxsadayna waa lagu raad joogaa” ayuu yiri Mudane Muriiddi.

Mudane Muruuddi oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in dhagarqabaha la qabtay ay ku wareejin doonaan laamaha ammaanka si sharciga loo horgeeyo.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay aad loo adkeeyay, iyadoo xaafadaha iyo Waddooyinka Muhiimka ah la dhigay Ciidamo Booliska ah, taas oo wax badan kabadashay xaladda guud ee Amniga Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY