AMISOM Oo Shaacisay In 7 Kamid Ah Xagjirka Al Shabaab Ay Ku...

AMISOM Oo Shaacisay In 7 Kamid Ah Xagjirka Al Shabaab Ay Ku Dileen Shabeellaha Hoose

SHARE
In this photo provided by the African Union Mission to Somalia (AMISOM), African Union (AU) soldiers from Uganda march through the al-Shabab stronghold of Golweyn after seizing it from the militants in the Lower Shabelle region of Somalia Saturday, Aug. 30, 2014. Somali government troops fighting alongside AU troops drove the militants from the town as part of their military offensive dubbed "Indian Ocean" aiming to oust al-Shabab from its last major hideouts in the southern parts of the Horn of Africa nation. (AP Photo/AMISOM, Tobin Jones)

Muqdisho,(Samawade.so):-Taliska AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in 7 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgal ay iskaashadeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ayaa waxay ku qaadeen saldhig Al-Shabaab kaga sugnaayeen Bariire.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in howlgalkan oo dhacay Axadii la soo dhaafay ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo qaabilsan canshuuraha.

Inkastoo aan la sheegin sarkaalkan magaciisa, hadana AMISOM ayaa ku faantay in howlgankan uu u dhacay sidii loogu tala galay.

LEAVE A REPLY