Maamulka Degmada Ceelbuur Oo Sheegay In Uu Meel Wanaagsan Marayo Qorshaha Xagjirka...

Maamulka Degmada Ceelbuur Oo Sheegay In Uu Meel Wanaagsan Marayo Qorshaha Xagjirka Al Shabaab Looga Saarayo Degmada

SHARE

Galgaduud,(Samawade.so):-Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa wadda Qorshe la-doonayo in Maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab looga saaro deegaano dhowr ah kuwaas oo ay qeyb ka tahay Degmadda Ceel-buur ee Gobolkaas.

Deegaanka Ceel-qorax oo kamid ah Gobolka Galgaduud Xarumo KMG ah kuwaas si-ay Saldhig ugu noqdaan Howlgaladda lagu qaadayo Maleeshiyaadka Al Shabaab si-looga saaro Degmadda Ceel-buur.

Munaasabadda lagu furayey Xarumahan KMG ah ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Sheekh Axmed Cali Jimcaale iyo Masuuliyiin kale oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Degmadda Ceel-buur Nuur Xasan Guutaale.

Gudoomiyaha Degmadda Cee-Buur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in Qorshahan Maleeshiyaadka Al Shabaab looga saarayo Ceel-buur muddo laga soo shaqeynaayey balse hadda ku rajo weyn yihiin siddii arrintan loogu dhaqaaqi lahaaa.

“Markaan waxaan rabnaa inay kamadanbeyn inoo noqoto waxaana taggi doonaa meelaha Al Shabaab kaga sugan yihiin Degmada Ceel-buur oo muddo dheer dhibaato ku hayeen Maleeshiyaadka Al Shabaab” sidaas waxaa sheegay Guddoomiyaha Ceel-buur.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Sheekh Axmed Cali Jimcaale ayaa sheegay in leyska kaashado siddii Maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab dadka looga korqaadi lahaa.

Degmadda Ceel-buur ayaa waxaa ay muhiim tahay isku xirka Degmooyinka Gobolka Galgaduud balse Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa muddooyinkii danbe dhibaato ku hayey dadka Shababka ah ee ku nool Degmadaas waana taas midda soo dadajisay sidii Al Shabaab looga saari lahaa.

LEAVE A REPLY