Xagjirka Al Shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyo Galaaftay Nolosha 20-Meeyo Shacab Ah

Xagjirka Al Shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyo Galaaftay Nolosha 20-Meeyo Shacab Ah

SHARE

Baydhaba,(Samawade.so):-Inta la xaqiijiyay 23 Qof  ayaa  geeriyootay tiro intaa kabadana wey ku dhaawacmeen Laba Qarax oo xigxigtay oo galinkii dambe ee Maanta ka dhacay Magaalada Baydhaba.

Guddoomiyaha Gobalka Baay Cali Wardheere Cabdiraxmaan oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Baydhaba ayaa  sheegay in weerar oo ay fuliyeen laba ruux naftood haligayaal ah ay galaafteen nolosha 23 qof oo aan waba galabsan.

Saraakiisha Laamaha Caafimaadka ayaa ku howlan sidii ay ula tacaali lahaayeen bukaanada kala duwan ee la gaarsiiyay xarumaha caafimaadka kuwaasoo qaar kamid ah ay xaaladdooda caafimaad aad u leedato.

Wasiirka Amniga Gudaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay oo booqday Cisbitaalka Guud ee magaalada Beydhaba ayaa cambaareeyay Xagjirka Al Shabaab oo Weerarkaan  Mas’uuliyaddiisa Sheegtay, isagoo ballanqaaday in ay garabtaaganyihiin dadka waxyeeladu ka soo gaartay weerarkaasi xagjirnimada ah.

Weerarada Xagjirnimada ah ayaa ka kala dhacay laba maqaaxi oo lagu kala magacaabo Bilan  iyo Badar, kuwaas oo marka lagaaro waqtiyada dambe ee maalinkii ay isugu  yimaadaan qeybaha kala duwan ee bulshada si ay ugu nastaan.

LEAVE A REPLY